Adeegyada Caafimaadka Dhimirka ee Caruurta

Goorma Cunugeyga Ubaahan Yahay Adeegyada Caafimaadka Dhimirka?

Wax yaabo badan ee maalin kasta dhaca ayaa saamayn ku noqon kara sida dareemaha ama sida cunuga uu udhaqmo.  Waa muhiim in la kala garto faraqa u dhaxeeya isbedelka dabeecada oo sababtay soo korida ama walaaca maalin kasta, iyo astaamaha dhibaatooyin badan oo qatar ah.  Dhibaatooyinka waxay mudan yihiin in la siiyo fiiri gaar ah goorta ay yihiin kuwa daran, isdaba-jooga, oo wax yeelo gaarsiiya dhaqdhaqaaqa maalmeed cunuga. 

Caruurta si kala duwan ayay u muujiyaan shucuurta ama dabeecada.  Mararka qaarkood ma sahlana si lagu ogaado goorta cunugaaga laga yaabo in uu ubaahan yahay adeega caafimaadka Dhimirka.  Cunugaaga caawinaad u raadi haddii aad ka welweleyso mid ka mid ah waxyaabaha soo socda:

  • Isbedel ku yimaada rabitaanka cuntada ama hurdada
  • Bulshada laga fogaado
  • Cabsi
  • Dabeecad u muuqata in lagu noqonaayo woqtigii hore sida sariirta lagu kaadiyo
  • Murugo ama oohin
  • Dareen qiimo la’aan
  • Markasa sharciga guriga ama iskuulka la jebiyo ama dhibaatooyin dabeecad.
  • Loo jaanjeero in markasta dhaabacyo isgaarsiiyo
  • Dabeecad leyku dhaabaco (tusaale ahaan, derbiga madaxa lagu dhufto “leys jaro”)
  • Dagaal lagu qaado dadka kale
  • Hanjabaad in naftiisa dhaawaco

Waa Maxay Daawayenta la Heli Kara?

Xanuunada madaxa waa la daawayn karaa. 
Xanuunada madaxa badankooda waxaa jirta daawayn badan.  Daawayanta badanaa waxay hoos yimaadaan guud ahaan laba qeybood, cilmi nafsi bulsho iyo cilmi barashada nafsiga.  Labadooda layku daro, waxaa loo yaqaanaa daawayn noocyo leh, xitaa mararka qaarkooda noqon kara kuwa saameyn weyn ku yeesha.  Daawayenta guud ahaan waxay u baahan tahay in loogu talo gala bukaaga iyo sida uu jecel yahay. 

Daawayanta  Dhimirka waa hab socod waxbarasho kaasoo badanaaba la socda hadal.  Daawayanta Dhimirka waxaa lagu samayn karaa shaqsiga, kuwa isqaba, kooxaha.  Daaweyahana wuxuu wuxuu ka qeyb qaataha ka caawin karaa in uu soo saaro nidaam fiican oo layisku fahmo  iyo sida loo xalin lahaa dhibaatooyinka.  Badanaaba daawayanta maxkaxda waxaa ka mid in waalidiinta la baro sida ay baahida cunugooda wax uga qaban lahaayeen.

Cilmiga barashada nafsiga waa isticmaalka daawada.  Daawooyinka waxay saameyen ku yeelan karaan dhaqdhaqaaqa Dhimirka sida dareenka, fiirida, ama kontoroolka dhaqdhaqaaqa. 

Xanuunada waxaa lagu ogaadaa ayadoo la fiirsado calaamadaha iyo ifaafooyinka.  Shaqaalaha xirfada leh wuxuu xisaabta ku darsadaa da’da cunuga iyo heerka u ku koro.  Caadooyin qaar waxaa laga yaabaa in ay yihiin mid caadi ku ah da’da koowaad balse meel kale ay ka tilmaameyso jiro maskax.   

Hanaan socodka qiimeyenta badanaaba waxay ka kooban tahay ururinta maadluumaad oo meel badan kakala yimaada: cunuga, waalidiinta, macalimiinta, iyo takhaatiirta caruurta, iyo waxaa kaloo ka koobnaan kara macluumaadkaasi tijaabo iyo indha’indhayn.

Caruurta xanuunada shucuurta oo daran qaba, xeelada waxay ka kooban tahay daryeel adeeg maamul iyo xiriirin oo ka yimaada in ka badan hal hay’ad ayaa laga yaabaa in ay caawinaad kuu noqdaan. 

Daawayenta Yaa Bixiya?

Cunugaaga takhtarkiisa waxaa laga yaabaa in uu daawayenta caafimaadka dhimirka bixiyo.  Hase-yeeshee, takhtarkaaga waxaa laga yaabaa in uu talo ka raadsado takhtarka taqasus ku ah caafimaadka dhimirka.  Takhaatiirta qaaska ee caafimaadka dhimirka waxay noqon karaan:

  • Takhtar cilmi nafsi (MD) - waa takhtar caafimaad oo ku taqasusey daawayanta dhibaatooyinka caafimaadka Dhimirka, oo kuu qori kara daawo iyo bixin kara adeegyada daawayanta kale. 
  • Takhtarka cilmi nafsiga (PhD) – wuxuu shahaadaha doktoreedka ka hayastaa cilmi nafsiga, iyo badanaaba wuxuu gacmaha kula jiraa baaritaan, tijaabooyin cilmi nafsiyeed, iyo warbixinno daawayn. 
  • Shaqaale Bulsho r & La Taliyaha Qooska (MSW/LCSW) ama guur iyo qoos (MFT/LMFT) – wuxuu hayastaa shahaadada mastareedka ee shaqaale bulsho, cilmi nafsi, ama talo bixiye oo wuxuu bixiyaa daawayn, xiriin adeeg, ama adeegyo taageero ah
  • Daaweeyaha Aqlaaqda- wuxuu dhamayestirey tababar ka hor taga aqlaaqda iyo badaabana wuxuu baraa xirfado cusub

Halkeen Caawinaad Ka Helaa?

Ugu horeyntii, la tasho dakhtarka ilmahaaga. Ilmahaaga u dalab baaritaan caafimaad dhamaystiran. Takhtarkaaga u sheeg haday jiraan dabeecado dareen kugu haya. Weydii takhtarkaaga haddii qiimeyn dheeri ah ama daaweyn uu sameeyo dakhtar ku takhasusay mashaakil dabeecadeed ee ilmaha loo baahan yahay.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad u baahan tahay inaad la xiriirto iskuulka ilmahaaga. Macalimiinta iyo la taliyayaasha iskuulka waxaa sidoo kale laga yaabaa inay caawin karaan.

Waxaa laga yaabaa inuu ilmahaaga xaq u yeesho inuu adeegyada caafimaadka dhimirka ka helo Qorshaha Caafimaadka Dhimirka ee Degmada. Degmadu waxay leeyahay teleefoon lacag la’aan ah oo shaqeynaya 24 saac maalintii. Waxay awoodaan inay kugula hadlaan luuqadda aad taqaano, islamarkaana ay kaaga jawaabaan su’aalaha la xiriira dabeecada ilmahaaga. Adeegooda iyo lambarada teleefoonadooda waxay ku qoran yihiin bogaga dowladda degmadaada ee ku qoran booga teleefoonada maxaliga ah.

Xageen Ka Heli karaa Xog Dheeri Ah?

Xarunta Adeegyada Caafimaadka Dhimirka ee Caruurta, Dadka Waaweyn iyo Laamaha Qooska KEN Clearing House:  (800) 789-2647
www.mentalhealth.org

Isbaheysiga Qaranka ee Kuwa Qaba Maskax Xanuunka
(800)-950-6264
http://www.nami.org

Ururka Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(800) 969-6642
http://www.nmha.org

Hay’ada Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(888) 826-9438
http://www.nimh.nih.gov

 

 
Processing...


Driving Walking/Biking Public Transit  Get Directions