Xanuunada Caafimaadka Dhimirka ee Caruurta

Caafimaadka Dhimirka ee Canuga

Caruurnimada qeyb waxaa ka ah dhaqso u korida iyo isbedel.  Caruurta jir ahaa, caqli ahaa, dareen ahaa iyo bulsho ahaanba way koraan. Caruurta caafimaadka qabta waxaa u kora awooda ka jaawaba isbedelka iyo kana bogsoonaada waxyaabaha hor istaaga nolosha.  Naf ahaantooda waxay dareemaan wanaag, reerkoodana, saaxiibadooda, iyo bulshadoodana si wanaagsan ayay ula macaamiloodaan, oo iskuulka iyo howlaha laqabto iskuulka kadibna way ku faraxsan yihiin. 

Waa iska caadi in caruurtu dhibaatooyin haysato.  Dhibaatooyinka badankoodu waa mid mudo gaaban ah oo aanan ubaahnayn daawayn caafimaadka dhimirka.  Hase-yeeshee, haddii dhibaatadu yihiin kuwa daran, isdaba-jooga waalidiinta waa in ay caawimaad ka raadsadaan shaqaale xirfad u leh.

Sidee bay Caadi u Yihiin Xanuunada Dhimirka ee Caruurta?

Imisa xanuunada Dhimirka ayaa ku bilaaban karta caruurnimo.  Waxaa la
qiyaasay in 1 ilaa iyo 10 caruur iyo caruurta aan qaan gaarka ahayn ayaa qaba xanuunada Dhimirka.  Hase-yeeshee, in ka yar 1 ilaa iyo 5 ee caruurtaan waxay helaan daawo.

Waa Maxay Noocyada Qaar ee Xanuunka Dhimirka ee Caruurta?

Caruurta waxaa laga yaabaa in ay hal xanuun kaliya uu ku dhaco, isla woqti in uu ku dhaco in ka badan hal. Xanuunaqda qaar ee caadiga waxaa ka mid ah:

  • Cabsi aan-sal lahayn
  • Digtooni la’aan iyo firfircooni xad-dhaacaAttention-deficit and disruptive disorders
  • Cunta qaadasho xumo
  • Niyad degsanaan la’aan

Xanuunada cabsida aan-salka la’hayn io niyad degsanaan la’aanta badanaaba waxay qayb ka tahay xanuuno dareen oo daran oo soo noq-noqda kasoo socon kara bilo ilaa iyo sanadao.  Caruurtaan waxaa laga yaabaa in ay qabto baqid iyo cabsi aan sal’hayn, murugo dheeraata, iyo dareenkooda qiime in uu yaraado.

Caruurta qaba digtooni daro, firfircooni

Xad-dhaafka ahna, waxaa laga yaabaa in uu feejignaan la’aan yahay, dagaal badan yahay, iyo/iyo madax adag yahay.  Waxaa laga yaabaa in yihiin kuwa mar kasta jebiya sharciyada ama rabshado ku kiciya fasalada. 

Cunto qaadasho xumadana waa cuntada in aad loo cuno aad cunto yari, iyo dareen ah in uu aad looga niyad jabsan yahay muuqaalka ama culeyeska jirka.

Waa Maxay Waxyaalaha Sababa Xanuunka Dhimirka ee Caruurta? 

Sababta saxda ah ee keenta badanaa xanuun dhimireedka. Guud ahaan, xanuun dhimireedka waxay natiijo u tahay fir iyo asbaabo kale oo noolaha la xiriira oo isku dhafan iyo korniinka iyo asbaabo deegaaneed.  Isa saameynta u dhaxeysa noolaha iyo deegaanka waa mid adag. Maxkaxdu waxay saameysaa dabeecadda, khibaraduna waxay saameysaa koritaanka Dhimirka. 

Goorme Ayaan U Baahan Nahay In Aan Caawimaad Raadsado?

Waa wax iska caadi ah in ciyaalka edeb-
daro sameeyaan iyo dareemaan cabsi ama murgo.  Kuwa laba sano ku jira waxay yiraahdaan “MAYA.” Ciyaalka dhalin yarta ahna mararka qaarkood way su’aalaan kuwa mas’uulka.  Sidaa-dareed, waa muhiim in la ogaado daabeecada caadiga oo bedelanta, iyo
astaamaha dhibaatooyin badan oo qatar ah.  Dhibaatooyinka waxay mudan yihiin in la siiyo fiiri gaar ah goorta ay yihiin kuwa daran, isdaba-jooga, oo wax yeelo gaarsiiya dhaqdhaqaaqa maalmeed cunuga.

Halkeen Caawinaad Ka Helaa?

Ugu horeyntii, la tasho dakhtarka ilmahaaga. Ilmahaaga u dalab baaritaan caafimaad dhamaystiran. Takhtarkaaga u sheeg haday jiraan dabeecado dareen kugu haya. Weydii takhtarkaaga haddii qiimeyn dheeri ah ama daaweyn uu sameeyo dakhtar ku takhasusay
mashaakil dabeecadeed ee ilmaha loo baahan yahay.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad u baahan tahay inaad la xiriirto iskuulka ilmahaaga. Macalimiinta iyo la taliyayaasha iskuulka waxaa sidoo kale laga yaabaa inay caawin karaan.

Waxaa laga yaabaa inuu ilmahaaga xaq u yeesho inuu adeegyada caafimaadka dhimirka ka helo Qorshaha Caafimaadka Dhimirka ee Degmada. Degmadu waxay leeyahay teleefoon lacag la’aan ah oo shaqeynaya 24 saac maalintii. Waxay awoodaan inay kugula hadlaan luuqadda aad taqaano, islamarkaana ay kaaga jawaabaan su’aalaha la xiriira dabeecada ilmahaaga. Adeegooda iyo lambarada teleefoonadooda waxay ku qoran yihiin bogaga dowladda degmadaada ee ku qoran booga teleefoonada maxaliga ah.

Waa Maxay Daawayenta La Heli Karo?

Xanuunada Dhimirka waa la daawayn karaa.  Xanuunada Dhimirka badankooda waxaa jira noocyo kala duwan ee daawayn.  Daawayenta badankooda waxay guud ahaan ay hoos yimaadaan laba qaybood, ruuxda bulsho (ruuxda-daawayenta iyo adeegyo kale) iyo daawo (daawo).  Labadooda oo layesku daro, waxaa loo yaqaanaa daawayn lisu geeyey oo mararka qaarkooda xitaa noqon kara tan ugu fiican.  Guud ahaan daawooyinka waxay u baahan yihiin in bukaaga loogu talo galo iyo sida bukaaga uu dalbado.    

Xageen Ka Heli karaa Xog Dheeri Ah?

Xarunta Adeegyada Caafimaadka Dhimirka ee Caruurta, Dadka Waaweyn iyo Laamaha Qooska KEN Clearing House: 
(800) 789-2647
http://www.mentalhealth.org

Isbaheysiga Qaranka ee Cudurada Dhimirka ee Xariirinta Caruurta Iyo Dhalinta-yar 
(800) 950-6264
http://www.nami.org

Ururka Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(800)969-6642
http://www.nmha.org

Hay’ada Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(888) 826-9438
http://www.nimh.nih.gov

 

 

 
Processing...


Driving Walking/Biking Public Transit  Get Directions