Niyad Deg’sanaan La’aanta Dadka Waaweyn: Murugo iyo Niyad Marna kacsan Marna Degan

Waa Maxay Niyad Deg’sanaan La’aanta?

Wax yaabaha badan ee horistaaga maalin kasta kugu noqda waxay dadku sida ay dareemaan ama u dhaqmaan ku dhaliyaan isbedelo.  Waa muhiim in la kala garto faraqa u dhaxeeya isbedelka dabeecada caadiga iyo calaamadaha tilmaama dhibaatooyinka badan oo halis ah.  Dhibaatooyinka waxay mudan yihiin in la siiyo fiiri dheeri ah goorta ay yihiin kuwa daran, isdaba-jooga, oo wax yeela gaarsiiya dhaqdhaqaaqa maalmeed ee shaqsiga.

Niyad Deg’sanaan La’aanta waa xaalado niyad la badbadiyey kaasoo qofka sidaas uusan u kontorooli karin, iyo oona sababa rafaad iyo awood la’aan u keena awooda qofka wax uu ku baran la’haa, shaqeysan la’haa, iyo si dadka kale uu ugu xirmi la’haa. 

Niyad Deg’sanaan La’aanta si aad ah ayaa loo daawayn karaa.  Waa muhiim in aad caawino helsho, sababtana ma in xanuunka uu kaa yaraado, balse haddii sidaa lagu daayo oo aanan la daawayn niyad deg’sanaan la’aanta way soo noq-noqotaa oo way ka sii dareysaa inta noloshaada.  Labada nooc ee ugu caansan ee niyad deg’naansho la’aanta waa Murugo iyo mar niyad kac marna niyad jab.

Waa Maxay Astaamaha Murugada?

Dadka qaba murugada waxay badanaaba dareemaan niyad jab iyo afaafaalooyinkaana way muujiyaan:

  • Si joogta ah u murugeysan cabsi, ama dareen "eber"
  • Dareen rajo la’aan, xumaan saadaalin
  • Dareen ah in qofka uu dembiile yahay, qiimo la’aan, caawinaad la’aan
  • Xiisihii lumiyo ama xiiso lumiyo waxyaabihii horey uu ujeclaa in uu sameeyo, oo ay ka mid tahay galmada
  • Tamarta qofka oo hoos udhacda, noog, “hoos dhac” in uu noqdo
  • In ay dhib ku noqoto isku urur naanshaha, go’aan gaarida, xasuusta, go’aan in uu gaaro
  • Hurdo la’aan, aroortii hore in uu soo tooso, ama in uu iska sii hordo
  • Cunto diidmo iyo/ama miisaanka hoos u dhaco ama cunto xumo iyo miisaan ku darsado  
  • Dareen dhimasho ama isdil; isku da’yo in uu isdilo
  • Nasashodaro, xanaaq fududaasho
  • Calaamado muqaal oo muujiya madax-xanuun, dheef-mareen xumo, iyo xanuun siyaado ah

Malaga Yaabaa in uu Yahay Niyad Kac ama Niyad Jab (Iskubuuq  jiyad-kac marna niyad-jab)

Shaqsiyaadka qaba xanuunka iskubuuqa niyad-kac marna jiyad-jabka waxay qabaan murugo wareegta oo isku bedbedesha oo welisa iskubuuq.  Calaamadaha iyad-kaca marna niyad-jabka waxaa ka mid ah:

  • Farxad aan caadi ahayn ama farxad badan
  • Caro fudnaan
  • Baahida hurdo oo hoos u dhacda
  • Hadal xad dhaaf ah
  • Hadal badnaan
  • Fikirado is-ceyersada
  • Jeclaansho galmo oo sii siyaada
  • Tamar siyaada ah oo la garan karo
  • Guddoon xumo
  • Dabeecada bulshada lala dhaqmo oo aanan haboonayn

Waa Maxay Waxa Dhaliya Niyad Deg’sanaan La’aanta?

Waxa saxda ah ee dhaliya murugada iyo xanuunada murugada si buuxda looma fahamsana. Guud ahaan, xanuunadda Dhimirka waxaa dahliya waxyaabo leysku darey ee fir ah, kuwo kale ee nolosha, iyo deegaanka.  Raad ku yeelashada u dhaxeysa cilmiga nafleyda iyo deegaanka waa mid adag.  Dhimirka waxay ku yeelataa dabeecada, iyo khibrada waxay saameyn ku yeelataa horumarka maxkaxda.    

Sidee Loo Daaweeyaa Niyad Deg’sanaan La’aanta? 

Daaweyenta wanaagsan waxay bilaabataa marka  ayadoo si haboon loo ogaado xanuunka niyad deg’sanaan la’aanta.  Ayadoo taa la raaciyey qiimeyentii uu sameeyey takhtarka caafimaadka dhimirka, mar badan qiimeyenta uu sameeyo takhtarka caafimaadka wa muhiim waa muhiim in laga saaro caalamadaha caafimaad darada ee keeney. 

Daaweyenta badanaaba waxay ka kooban tahay daaweyn iyo/ama daawooyin.  Daaweyenta ugu wanaagsan badanaaba waa labada oo layesku daro.  Daawayenta, baritaanadu waxay muujinayaan in caadada sababta fikirka ama daaweyenta fikirka waa waxyaabo aad aaga caawiya dadka qaba murugada.  Labadaan noocyo oo daaweyn waxay dadku ka caawineysaa in ay fiiri u bixiyaan xariiradooda shaqsiyeed ee qasey ama habka fikridaha aanan u fiicnayn kaasoo badanaaba lala xiriiriyo murugo. 

Sidee Baan Caawinaad U Heli Karaa?

Haddii aad adiga ama xibin qooskaaga ah u baahan yahay adeegyada caafimaadka dhimirka, la tasho takhtarkaaga adiga ama xubinka qooskaaga u weydii qiimeyenta iyo daawayn.   

Adiga ama xubnaha qooskaaga waxaa laga yaabaa in aad xaq u leedihiin in aad Qorshaha Caafimaadka Dhimirka ee Degmadiina ka heshaan adeegyada caafimaadka dhimirka.  Degmada waxay leedahay talefoon bilaash ah oo aad waci kartid 24 saacadood maalintii, waxaana jooga shaqaale takhasusu u leh caafimaadka dhimirka oo qiimeeya baahidaada oona kuu sameeya in uu kuu gudbiyo takhtarka ku haboon.  Waxayna awoodaan in ay kugula hadlaan luqada aad doorato.  Adeegyadooda iyo talefoon lambarkoodana waxay ku qoran yihiin boga buuga talefoonka ee dowladda degmada  
 
Halkee Baan Ka Heli Macluumaad Dheeri ah ?

Hay’ada Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(888) 826-9438
http://www.nimh.nih.gov

Ururka Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(800) 969-6642
http://www.nmha.org

Isbaheysiga Qaranka ee Kuwa Qaba Maskax Xanuunka
(800)-950-6264
http://www.nami.org

Ururka Qaranka ee Walaaca
(800) 826-3632
http://www.ndmda.org

 

 
Processing...


Driving Walking/Biking Public Transit  Get Directions