Macluumaad Guud ee Ku Saabsan Xanuunka Madaxa

Waa Maxay Xanuunka Dhimirka?

Maxkax xanuun waa xanuun arbushaad siyaado ah ama mid dibacsan u keenta fikirka, aragtida, niyadda siday tahay, ama dabeecadda.  Haddii arbushaadka saameyn ku yeesho awooda uu shaqsiga uu ugu adkeysan lahaa waxyaabaha caadiga ee ay nolosha caadiga ah dalbato iyo hab-raaca, ka dib asaga ama ayada waa in ay si dhaqso ah shaqaalaha caafimaadka Dhimirka uga raadsadaan daaweyn ku haboon.  Daaweyn iyo daryeel ku haboon markuu helo, shaqsiga wuu ka soo bogsoomi karaa oo caadi ayuu uwadan karaa dhaqdhaqaaqiisa.

Waa Maxay Qaar ka mid ah Fikradaha Khaladka ah ee Laga Fahamsan yahay Xanuunka Madaxa?

Fikradaha guud ee ku saabsan xanuunka Dhimirka waa wax sababey anshaxa oo luma, daciifnimo shaqsi, ama itaal waxqabad la’aan.  Mida kalena waa in shaqsiyaatka qaba xanuunka Dhimirka in ay yihiin kuwa qatar ah ama rabshooleyaal.  Aaminsanaanta noocan ahi waxaa laga yaabaa in ay sharaxdo sababta sedexdii shaqsiyaad hal shaqsi oo qabo xanuunka Dhimirka in uu daryeel caafimaad uu raadsado.  Run ahaantii, xanuunka Dhimirka waa jirooyin dhab oo lagu daaweyn karo daaweynta caafimaadka Dhimirka.  Shaqsiyaatka qaba xanuunka Dhimirka xaqiiq waxay si caadi ah ugu laaban karaan noloshooda caadiga, oo ay noqdaan kuwa wax soo saarta haddii ay helaan daaweyn ku haboon.   

Yaa La Yimaada Xanuunka Dhimirka?

Xanuunka Dhimirka waa mid habsata raga iyo dumarka labadoodaba.  Shaqsi kasta—ayadoon da’ loo eegeyn, darajadda uu ku leeyahay bulshada ama jinsigiisa.  Inkastoo, shaqsiyaatka saboolnimada ku nool oo ay qatartoodu aad u sareyso.  Inta lagu jiro muddada sanadka, qiyaastii boqolkiiba 20 ee dadweynaha Ameerikaanka waxaa asiibta xanuun maskax oo la aqoonsan karo kasoo waxyeelo ku noqda shaqadiisa, iskuulka ama ka qeyb galka kale nolol maalmeedkiisa.

Maxaa Sababa Xanuunada Dhimirka?

Sababta cad ee keenta xanuunadda Dhimirka badankooda maha aha mid si buuxda loo fahamsan yahay.  Guud ahaan, xanuunadda Dhimirka waxaa dahliya waxyaabo leysku darey ee fir ah, kuwo kale ee nolosha, iyo deegaanka.  Raad ku yeelashada u dhaxeysa cilmiga nafleyda iyo deegaanka waa mid adag.  Dhimirka waxay ku yeelataa dabeecada, iyo khibrada waxay saameyn ku yeelataa horumarka maxkaxda.     

Waa Maxay Noocyada Guud ee Xanuunada Dhimirka?

Hoose waxaa ku qoran faah-faahin gaaban ee ku saabsan sedexda xanuunada Dhimirka dadka waaweyn ee ugu baahsan.  Xanuunadaan sii faah-faahsan, fadlan ka raadi warqadda qoraalka gaaban kaas soo gooni gooni uga hadlaysa xanuunadaan. 

Xanuunada Niyada Qofka

Niyad jabku waa dhibaatada dareen ee ugu badan oo la ogaadey.  Waa murogo dheer ama dareen hoose, ee qofka noqdo “buluug,” ama “hoose.”  Dareen niyad jab sida dheeri-gelin la’aan ama murugta waa mid iska caadi ah oo la ogol yahay haddii aysan noqon kuwa aad u daran ama mudo dheer soo socdey.  Inkastoo, haddii ay noqdaan kuwa is daba jooga ama soo mudo dheer ah soo socday markaas qofu waa in uu raadsadaa caawimaad.   
Xanuunka Bibolarka, oo sidoo kale loo yaqaano jirada walaaca waali, waa xanuun aan si caadi ahayn oo bedela dareenkiisa, tamartiisa, iyo awooda uu wax ku qabansan lahaa.  Dadka qaba xanuunka bibolarka waxay leeyihiin dareen wareega oo murugo isku bedela iskula waala, iyo calaamadahan soo socdana badankooda ka muuqata:

  • Rayn-rayn xad-dhaaf ama aan caadi ahayn
  • Xanaaq fudud oo caadi ahayn
  • Baahida hurdada oo yaraata
  • Fikradaho is daba jooga
  • Fikrado isceyersada iyo hadal oo saa’ida
  • Rabaatinka galmada oo siyaada
  • Tamarta ku siyaaday oo laga garto

Marka laga daaweeyo, dadka niyad jabka iyo xanuunka bibolarka qaba way ka soo bogsoodaan oo waxay ku laabtaan noloshoodii hore ee waxsoo saarka la hayd.  Dhamaan dadka soo marta xanuunada niyada badankooda way ku reyestaan daawada, daaweynta ama labadaan daaweyn ee isku jirta.

 Xanuunada Cabsida Aan Salka La’hayn?

Xanuunadaha cabsida aan salka la’hayn waa dareen xiisad la xiriirta ee cabsi, qatar, ama cabsi aad u daran.  Waa wax iska caadi ah in nolasheena maalmeed aan leenahay dareen xiisad oo dabacsan; inkastoo, xaaladaha cabsida oo sii korodha iyo mudo soocota waa mid dareen ahaan aad u xanuun baadan.  Waxay hor istaagtaa shaqsiga dhaqdhaqaaqa noloshiisa maalmeed.  Tusaalooyinka xanuunada xaaladaha walaaca waxaa ka mid ah xanuunka argagaxa, xanuunada Dhimirka khasbiya, iyo xanuun walaac arrin horey udhacda sabatey. 

Daaweyn iyo/ama daawo ayaa lagula taliyay dadka qaba xaaladaha walaaca oo daran ilaa mid dhexdhexaad ah

Iskudhex yaaca Dhimirka

Iskudhex yaaca maskax waa xanuun ku yimaada Dhimirka kaasoo lagu sifeeyo qas qoto dheer oo ku yimaada fakirka, fahanka, iyo dareenka, kaasoo waxyeeleysa boqolkiiba 1 ee dadweynaha Mareekanka.  Xanuunkan Dhimirka si qeexan aanan shaki ku jirin ayay habab kala duwan ay iksu muujin kartaa.  Dhibaatooyinka ugu weyn ee lagula xiriiriyo dadka maskaxdooda iskudhex yaacda waa shaqsiga si maskax gal ahayn ama aan caadi ahayn u fakiri karin (tusaale ahaan, asigoo si adag u aaminsan wax yaabo aanan jirin) ama qaba fikrado (tusaale ahaan, in uu codad maqlo ama arko waxyaabo aanan jirin).  Taasina waxaa u sabab ah in shaqsiga mararka qaar fakirkiisa anan is haysan, shaqsiga iskudhex yaacsan maskaxdiisa waxaa laga yaabaa in uu leeyahay caadooyin kala duwan oo u muuqda kuwa yaab leh ama dadka kale u arkaan wax fajac leh.  Waxaa intaa dheer, qofka hadalkiisa oo laga yaabo in uu noqdo mid aan maskax ku dhisneyn ama hadal aan fahmi karin. 

Iskudhex yaaca Dhimirka waxaa lagu daaweyn karaa daawo, daaweyn iyo Baxnaanis Cilmibusho.  Mahada waxaa iska leh noocyada cusub ee daawooyinka, Shaqsiyaad badan oo qaba iskudhex yaaca Dhimirka ayaa waxay awoodaan in ay shaqeystaan, reerahooda ay la noolaadaan, iyo saaxiibadoodana woqti fiican ay la qaataan.    

Daawenta Noocyadee Ayaa la Heli Karaa?

Daaweyn sida la rabay waxa u tara waxay ka bilaabataa qiimeyn dhameyestiran.  Takhtarka ama takhtarka qaaska ee caafimaadka Dhimirka ayaa qiimeynaayo daaweyn iyo xaalada maskaxeed oo kasta kadibna wuxuu sameyn doonaa in uu ugudbiyo takhtarka ku haboon.  Xanuunada Dhimirka waa la daaweyn karaa oo waxaa lagu daaweeyaa daawo, daaweyn, iyo   adeegyada baxnaanida.  Dhab ahaantii, waxaa jiro noocyo daaweyn oo kala duwan kaasoo waafaqsanaan kara baahida qofkasta xanuunka Dhimirka qaba.  Si aad si fiican ugu fahamto adeegyada ku saabsan caafimaadka madaxa ee degmadaada, fadlan aqri qoraalkeena, “Adeegyada Caafimaadka Dhimirka eeDadka Waaweyn.”

Sidee Baan Caawimaad U Heli Karaa?

Haddii adiga ama qooskaaga u baahan yahay adeegyada caafimaadka Dhimirka, kala tasho takhtarkaaga oo weydii qiimeyn caafimaadka Dhimirka iyo in uu adiga ama xubnaha qooskaaga daaweeyo.    

Adiga ama xubnaha qooskaaga waxaa laga yaabaa in aad xaq u leedihiin in aad Qorshaha Caafimaadka Dhimirka ee Degmadiina ka heshaan adeegyada caafimaadka Dhimirka.  Degmada waxay leedahay talefoon bilaash ah oo aad waci kartid 24 saacadood maalintii, waxaana jooga shaqaale takhasusu u leh caafimaadka Dhimirka oo qiimeeya baahidaada oona kuu sameeya in uu kuu gudbiyo takhtarka ku haboon.  Waxayna awoodaan in ay kugula hadlaan luqada aad doorato.  Adeegyadooda iyo talefoon lambarkoodana waxay ku qoran yihiin boga buuga talefoonka ee dowladda degmada   

Macluumaad Dheeri ah Intee Baan Ka Heli Karaa?

Hay’ada Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(888) 826-9438
http://www.nimh.nih.gov

Ururka Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(800) 969-6642
http://www.nmha.org

Isbaheysiga Qaranka ee Kuwa Qaba Maskax Xanuunka
(800)-950-6264
http://www.nami.org

 

 
Processing...


Driving Walking/Biking Public Transit  Get Directions