Xanuunada Cabsida Aan Sal La’hayn ee Dadka Waaweyn

Waa Maxay Xanuunada Cabsida Aan Salka La’hayn?

Dadka badankood marmar ayay jirta in ay dareemaan cabsi oo dareenka cabsida qeyb ka mid ah nolosha oo caadi iska ah.  Hase-yeeshee, shaqsiyaadka marar badan, in badan, ama mudo badan dareema cabsi, waxaa laga yaabaa in ay qabaan xanuun dareen oo loo yaqaan xanuunada cabsida oo aan sal la’hayn.  Xanuunada cabsida oo salka la’hayn waa jiro maskaxeed kasoo nolosha dadku ka buuxiya walwal, cabsi mustaqbal, ama xiisad dhibaato, iyo cabsi daba-dheeraata, joogto ah, iyo si dhaqo ah u xumaada haddii aanan la daaweyn. 

Dadka qaarkood, xanuunada cabsi sal la’aanta waxaa laga yaabaa in ay noqoto mid xad-dhaaf ah oo bilaawda in aad dhib kala kulanto qabashada howlaha guriga, shaqada ama iskuulka.  Xanuunada cabsi sal la’aanta waa noocyada ugu badan ee xanuunada maskaxda—qiyaastii 19 milyan Amerikaan ee dadka waaweyn ayaa qaba xanuunadaan. 

Xanuunada cabsi salka la’ waa la daaweyn karaa! 
Daaweyenta wanaagsan waxay bilaabataa marka  ayadoo si haboon loo ogaado xanuunka niyad deg’sanaan la’aanta.  Ayadoo taa la raaciyey qiimeyentii uu sameeyey takhtarka caafimaadka dhimirka, mar badan qiimeyenta uu sameeyo takhtarka caafimaadka wa muhiim waa muhiim in laga saaro caalamadaha caafimaad darada ee keeney.
 
Waa Maxay Noocyada Ugu Badan ee Xanuunada Cabsi Sal La’aanta?

Xanuunada Cabsi Aan Sal La Nooca Guud-ahaaneed  

Shaqsiyaadka qaba xanuunkan aad iyo aad ayuu wuxuu ugu welwelaa qooska, caafimaadka, shaqada iyo waxyaabo kale xitaa marka ay jirto sabab aad u yar.  Waxaa laga yaabaa in ay qabaan:

  • In uu dhib ku yahay in ay xukumaan walwalkooda
  • Dareemo cabsi iyo xanaaq-fudud
  • In uu xanuuno jirka ah uu ka cawdo, madax xanuun ama xanuunyo kale oo aanan sababo lahayn
  • Hurdo qash-qashaad iyo si sahlan u daala

2. Xanuunka Argagaxa Ku Soo Boodka

Xanuunkan waxaa lagu sifeeyey weerar cabsi, kasoo qofka caadi ahaan u jooga daqiiqado.  Bilaawga waa mid dhaqso oo aad udaran, argagax xad-dhaaf oo aanan sabab la’hayn, kaa soo wehliya qaar ka mid ah waxyaabaha soo socda:  

  • Dhidid, wadnaha si dhaqso u garaacma, gariir.
  • Neef yaraansho, shafka oo xanuuna, tabar-yari
  • Ka baqo in uu dhinto, waalan rabo, ama xukunka ka lumi rabo
  • Iska dhaafo meel kasta ama xaalad kasta oo la xiriirta weeraradaas
  • Cabsida meel xiran—cabsi saa’id ah in laga cabsado goobaha dadwaynaha

3. Cabsi-yooyinka Cuqdadeed

Dadka xanuunadan qaba waxay dareemaan
argagax, cabsi, iyo in ay iska dhowraan goorta shay ama xaalad cabsi la horkeeno.  Badanaaba way iska dhowraan waxa u ku kiciya cabsidooda, kaasoo ka hor imaan kara shaqada, qooska iyo xaaladaha bulshada.  Cabsi-yooyinka ugu badan waa:

  • Cabsida Bulshada—cabsi siyaada aha oo laga cabsado in dadka hortiisa sharafta looga rido  
  • Cabsi Gaar ah—cabsi siyaada aha laga cabsado shey gaar ah ama xaalado sida wiishka sarta ama in laga gudbo buundo

4. Was-waaska (OCD)

Dadka OCD waxay qabaan wax maskaxdooda aanan ka bixin  oo soo noq-noqda (tusaale ahaan fikrado maskaxdooda iska soo dhexgala) kaa soo ku dheliya xanuun iyo cabsi aad u daran.  Marka ay isku dayaan in ay yareeyaan cabsidaan, badanaaba waxaa dhacda in ay taa soo celceliyaan (dirqiyaan) sida gacmo-dhaqid  siyaado ah ama in ay shay gaar ah mar kasta hubiyaan.  Kuwa qaba OCD badanaaba way garanayaan in waxa ay qasbayaan uu yahay mid aan muhiim ahayn, balse waxay dareemayaan in aysan hayn awood lagu joojiyo. 

5. Xanuunka Walwalka Masiibada ka Dib  

Xanuunkaan wuxuu lagu arkaa dadka ka badbaadey masiibo sida masiibooyinka dabiiciga, dagaal, jir dir, weerar ama kufsi.  Masiibadu waxay ugu soo noq-noqotaa oo ay ugu timaadaa riyo ahaan ama dhacdooyin xasuus, dib ugu noqosho, iyo dareen aad u daran, xanuun ku yimaada maanka jirka goorta ay la kulmaan xaalado xasuusiya masiibadaas.  Waxaa laga yaabaa in ay dareemaan kabuubyo, ka go’, cabsi iyo is ilaalis xad-dhaaf ah.  Badbanaaban hurdada oo dhib ku noqota. 

Waa Maxay Sababaha Cudurka Walwalka?

Sababta saxda ah ee badanaa keenta cudurada dhimirka si dhamaystiran looma fahamsana. Guud ahaan, cudurka dhimirka waa sabab ka dhalatay fir iyo asbaabo kale oo noolaha la xiriira oo isku dhafan iyo korniinka iyo asbaabo deegaaneed. 

Badanaa ma ahan mid aanan caan aheyn inuu jiro taariikhda qoys leh cudurka walwalka, gaar ahaan keyska cudurka isku dirqinta waxa mar walba qofka ku taagan.

How Is Anxiety Disorder Treated?

Cudurka walwalka waxaa lagu daawyn karaa daawo dabiici ah, daawo iyo labadooda oo wada jira. Laba nooc oo daawada dabiiciga ah oo saameyn leh waa daaweynta dabeecadda, taasoo ahmiyad siineysa isbedelka dabeecada; iyo garashada daawada dabiiciga, taasoo shaqsiga bareysa inay fahmaan islamarkaana ay bedelaan qaabka uu fikirkooda isugu xigo si ay ugu dhaqmaan si ka duwan xaaladaha u keena walwalka.   Daawada waxay sidoo kale kaa caawini kartaa in ay yareyso calaamadaha welwelka. 

Sideen Caawinaad u Helaa?

Haddii adiga ama xubin ka mid ah qooskaaga lagu arko qaar ka mid ah caaladaha xanuunka walwalka, la tasho takhtarkaaga qooska oo weydii daaweyn iyo qiimeynta caafimaadka maskaxda ee kugu haboon.

Waxaa laga yaabaa in adiga ama xubin ka mid ah qooskaaga aad xaq u leedihiin deegyada caafimaadka dhimirka ka helo Qorshaha Caafimaadka Dhimirka ee Degmada. Degmadu waxay leeyahay teleefoon lacag la’aan ah oo shaqeynaya 24 saac maalintii. Waxay awoodaan inay kugula hadlaan luuqadda aad taqaano, islamarkaana ay kaaga jawaabaan su’aalaha la xiriira dabeecada ilmahaaga. Adeegooda iyo lambarada teleefoonadooda waxay ku qoran yihiin bogaga dowladda degmadaada ee ku qoran booga teleefoonada maxaliga ah.

Xageen Ka Heli Karaa Xog Dheeri Ah?

Machadka Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(888) 826-9438
http://www.nimh.nih.gov

Ururka Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(800) 969-6642
http://www.nimh.nih.gov 

Isbaheysiga Qaranka ee Kuwa Qaba Maskax Xanuunka
(800)-950-6264
http://www.nami.org

Ururka Cudurka Walwalka ee Mareykanka
(240) 485-1001
http://www.adaa.org

 
Processing...


Driving Walking/Biking Public Transit  Get Directions